Thursday, August 25, 2016

Sawiro: Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo La kulmay Guurtida iyo waxgaradka Degmada Baargaal



Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir maxamed yuusuf Iidi oo muddo ku maqnaa safar dalka dibadiisa ah oo hada dalka dib ugu soo noqday ayaa maantay shirar kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan Magaalada Baargaal 

Gudoomiayah ayaa marka hore wuxuu la shiray xubnaha joogtada ah ee golaha deegaanka degmada baargaal oo uu uga warbixyay safarkii uu ku maqnaa iyo waxa u soo qabsoomay asagoo sidoo kale u soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee uu hada damacsanyahay inuu ka bilaabo gobolka 

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadir maxamed yuusuf Iidi ayaa galinkii danbe ee maanta wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada Ku dhaqan Degmada baargaal shirkaas oo looga hadlay arimo badan laguna waydiiyay gudoomiyaha su'aalo badan oo uu uga jawaabay bulshadii ka soo qayb gashay shirka 

Bulshadii ka soo qayb gashay shirka galabta ayaa aad u soo dhaweeyay soo noqoshada gudoomiyaha gobolka ayagoo u muujiyay taageero ballaran shaqada uu gobolka ka wado , ballan qaadayna inay gacan ku siin doonaan wuxuu ayaga uga baahdo 






Wednesday, August 24, 2016

Xog : Isimadda Puntland oo Shir Xasaasi ah uu uga furmay caasimada PL ee Garowe




waxaa maanta magaala madaxda dawlad goboleedka Puntland ee Garowe si rasmi ah ugu furmay isimadda Puntland shir xasaasi ah, iyagoo go’aan ka gaaraya doorashada xubnaha Puntland uga qeybgalaya Labada Aqal ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Saraakiil kamid ah Guddiga Doorashada ayaa sheegay in arrimaha sida aadka looga hadli doono ay ka mid yihiin nooca ay noqon doonan dadka la doonayo in ay soo doortaan xubnaha labada Aqal.

Guddiga ayaa dadajinaya qorshaha doorashada, maadaama xiliga la qabsaday ay mudo kooban ka hartay, isla makaasna ay soo bixi karaan musharaxiin badan oo u taagan qabashada Xilalkan.

Isimada ayaa ah kuwa ugu dambeeya ee xaliya arrimaha ku saleysan Nidaamka Qabaa’ilka, waxaana lafilayaa in ay doorkooda muujiyaan

Caasumada Dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa aad looga hadal hayaa howlaha Guddigan iyo Hanaanka doorashada,iyadoo ay joogaan inta badan Siyaasiinta damaca uu kaga jiro Kuraaska xubnaha labada Aqal ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya

Monday, August 22, 2016

WAR DEG DEG AH: Howlgalo culus oo laga sameeyey Gaalkacyo iyo Dad lasoo qabtay goor dhaweyd


Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dawladda Puntland ay howlgalo culus oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada ku soo qabqabteen ilaa xalay in badan oo kamid ah dad lagu tuhunsan yahay falalka amaan darro.

Ciidamada ayaa xalay saqdii dhexe galay qaar kamid ah xaafadaha magaalada, waxayna u dhaceen guryo ay kasoo qabteen dadkii hurday, ilaa haddana ma jiraan faahfaahin laga bixiyey.

Mar kale saaka howlgal culus ayay wadaan ciidamadu, waxayna galayaan xaafadaha magaalada oo dhan, iyagoo soo qabqabtay dad hor leh oo ay xaafado ugu tageen.

Howlgaladan ayaa ka duwan kuwii horey looga yaqaanay magaalada, waxaana ciidamadu ay galayaan meel kasta oo ay horey uga shakisanaayeen, iyadoo sida uu muuqata howlgalkan u muuqdo mid qorsheysan oo looga hortagayo Argagixisada.

SAWIRO: TABABAR GAROWE UGA FURMAY DHAMAAN SHAQAALAHA WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND

Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayaa maanta Garowe uga furtay tababar shan cisho u socon doono shaqaalaha Wasaaradda ee degmooyinka iyo Gobolada Puntland , Waxaana kasoo qeybgalay dhamaan shaqaalaha iyo Isku-duwayaasha Wasaaradda u fadhiya Bari, Mudug, Nugaal, Karkaar, Gardafuu,Haylaan,Sanaag,Sool iyo Cayn .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland Muno Cumar Daahir oo furtay tababarkan ayaa faahfaahin ka bixisay muhiimiyadda uu leeyahay , Waxayna sheegtay inuu u horseedi doono isku xirnaan guud oo dhex marta shaqaalaha iyo xarunta dhexe ee wasaaradda .

Waxay intaas ku dartay Agaasime Muno Daahir inta uu socdo tababarku in lagu baranayo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay sida shaqada loogu kala sareeyo ama loogu kala hooseeyo oo ay sheegtay inay usoo kordhinayso wasaaradda warbixino iyo xogo joogto ah oo ay mar walba isdhaafsanayaan Shaqaalaha u jooga Gobolladda,Degmooyinka iyo Madaxda Wasaaradda Deegaanka Puntland.

Dhinaca kale Sabdow Bashiir oo ah sarkaal ka tirsan Hay,adda Care International oo wasaaradda kala shaqeynaya tababarka shaqaalaheeda maanta uga furmay Garowe ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay farqiga u dhaxeeya 3 sano ka hor shaqaalaha wasaaradda iyo Tirada Wasaaradda maanta uga howl-gasha Goboladda iyo Degmooyinka Puntland.

Sabdow Bashiir ayaa sheegey in ilaa 15 shaqaale ah oo kaliya Wasaaradda u fadhiyeen saddex sano ka hor gobolada balse maanta ay gaarayso tirada shaqaalaha wasaaradda uga howl-galaya degmooyinka iyo gobolada kale 40 marka laga reebo shaqaalaha wasaaradda xarunta dhexe ee Garowe.

Isku soo wada duuboo Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayaa mudooyinkan danbe safka hore kaga jirtay kuwa ugu waxqabadka badan hay,addaha dowliga ah ee Puntland , Marka loo eego baaxada shaqada ay u hayso dalka.







Thursday, August 18, 2016

Haweeneey Soomaali ah oo lagu qabtay wiil yar oo ay ka xaday Isbitaalka Magaalada...

Haweeneey Soomaali ah oo lagu qabtay wiil yar oo ay ka xaday Isbitaalka Magaalada...



Caasho Maxamed ayaa lagu qabtay iyadaoo wadatah wiil maalin ka hor kudhashay Isbatalka weyn ee magaalada Garissa kadibna la qabtay, sida uu sheegay weriye ushaqeeya wargeeyska the Daily Nation

Caasho Maxamed waxay iska dhigtay hablaha ka shaqeeya Isbataalka qaybta ay ku umulaan dumarka ee kalkaaliyaasha ah waxaayna kasoo qaaday hawaneydii dhashay wiilka yar ee ay xaday kadibna waxaay kala baxday xaruunta lagu xanaanneyo caruurta dhalata hooyadii dhashay wiilkan yar oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan kadibna waxay ogadeen in ay ilmihii wadato kalkaalisada una sheegeen waardiyaashii joogay albaabka hore ee Isbataalka waana la qabtay caasho waxaana lagu xiray saldhiga weyn Boliiska kuyaala bartamaha magaalada Garissa. Si kastaaba ha ahatee Caasho Maxamed waxaa shaley la keenay maxakamada ugu weyn magaalada Garissa halkaasi oo lagu dhagaystay dacwadii loo haystay waxaana lagu soo celini doona muxakaamada 20 September 2016.

Wednesday, August 17, 2016

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo loo magacaabay Sarkaal loo saadaalinayey

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo loo magacaabay Sarkaal loo saadaalinayey



Xogo lagu kalsoon yahay oo aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Puntland uu si rasmi ah taliyaha ciidamada booliska Puntland ugu magacaabay Col.Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg.

Col. Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg ayaa horay u ahaa siihayaha xilka Taliyaha ciidamada booliska ka dib markii xilka laga qaaday taliyahii hore Gen Cabdirisaaq Afgaduud.

Sunday, August 14, 2016

Daawo :Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland oo si wayn loogu soo dhaweeyay Gobolka Haylaan

wasiirka Haweenka iyo horumarinta Arimaha Qoyska Dawlada Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada dhahar ee xarunta gobolka haayland 

wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin ayaa waxaa soo dhawaynteeda ka qayb qaatay wasiirka xanaanada xoolaha puntland , maamulka Gobolka , Kan degmada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magalaada dhahar ayagoo uga hortagay wasiirada meel magaalada u jirta 5 kilo mitir.

wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin oo ka hadashay munaasabada soo dhawaynta ayaa ugu horayn u mahad celisay masuuliyiintii iyo  bulshadii soo dhawaysay 

wafdiga wasiir anisa ayaa intaasi kadib loo soo galbiyay gudaha magaalada ayadoo munaasabad loogu qabtaty guriga martida ee magaalada dhahar 

masuuliyiin badan oo ka hadlay munaasabada soo dhawaynta wafdiga wasiirada ayaa tilmaamay inay u tahay maalin taariikhi ah oo  farxad wayn ayadoo noqotay wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin wasiirdii ugu horaysay oo dawlada puntland ah oo timaada gobolka haylaan 

wasiir anisa C/qaadir xaaji muumin oo ugu danbayn soo afjartay munaasinibada soo lagu soo dhaweeyay inay xooga saari doonto hawlaha bini aadanimo ee ka jira gobolka gaar ahaan arimaha haweenka ayadoo sheegtay inay sharaf u tahay inay maantay u timaada bulshada dhahar oo ay ku tilmaantay meel ay dawlada puntland ku xisaabtanto , amni ah lana imaan karo 

GARDAFUU NEWS
www.Gardafuu.com


Gudoomiyaha degmada Baargaal : Deeqdii Turkiga ee Gardafuu waa la dhacay

Gudoomiyaha degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu, Abuukar Axmed Yuusuf ayaa sheegay in gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gardafuu uu musuq maasuqay qoondadii gobolku kulahaa raashinkii Turkiga.

Abuukar Axmed Yuusuf, oo wareysi siiyay Radio Daljir waxa uu xusay inay hayaan cadaymo muujinaya in raashinkii mucaawimada ahaa laga iibsaday bakhaaro kuyaal gobolka, aana lagaarsiin dadkii wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland usoo dhiibtey.

Gudoomiyaha degmada Baargaal ayaa ugu baaqay dowladda Puntland gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Puntland inay arrinkaani wax ka qabato raashinkaasna dib loosoo celiyo.

GARDAFUU NEWS 
www.Gardafuu.com

Thursday, August 11, 2016

#Puntland : When president & his cabinet start selling the #TurkishAid in the black market !!

The Corruption in humanitarian aid is among the worst kinds of corruption could happen.


It can mean the difference between life and death. It robs people of essential resources, destroying dignity and causing desperation.

On the fourth day of this month August 2016 a Turkish aid ship arrived in the port city of Bosasso in the East Region and the commercial capital of Puntland State of Somalia carrying nearly 3,500 tonnes of food provided by the Turkish people and government to Somalia.

When the turkish aid ship arrived to the port of Bosasso a lot of poor families and the communities in areas that were suffering from dehydration welcomed its arrival and they put high hopes on it to overcome the dry season

Instead of distribution and delivering the Turkish aid food to the families and the neediest areas , the President of Puntland State of Somalia and his cabinet ministers have begun to sell Turkish sugar and rice publicly on the black market, opening the way for many people to sell the remain food which allocated for the needy people such as flour, as an Arab proverb says what is meaning if the bigger camel screamed what you are expecting from the young camel.

The Corruption that has occurred in the Turkish aid ship in the state of Puntland, and in front of all government authorities puts a question mark on the Puntland Good Governance and Anti-Corruption Commission (PGGACC), which was officially launched in March 26, 2014 at the beginning of the era of President Abdiwali Mohamed Ali Gas

This kind of corruption is the reason which forces many young people to emigrate and risk their lives in the Mediterranean Sea and the Sahara Desert after they lost confidence and the ability to force these officials to not use the power in looting their rights

In conclusion what happened in the Turkish aid ship in Bosasso is something that can not be accepted and must Puntland parliament and the local and international bodies should monitor and follow-up and prosecute those names appeared in the reports and if that does not happen ... we have to wait more young immigrants

Tuulada Qarxis oo looga yeeray Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan kadib go’aankii Wasaarada Waxbarashada Puntland.




bulshada tuulada qarxis ee degmada AYL ayaa si deg deg ah uu yeeray xildhibaanada matala si cabasho ay ugu gudbiyaan maadaama uu saamayn ku yeeshay go’aan dhawaan ay soo saartay Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee dawladda Puntland.

Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in xarunimadii imtixaan laga qaaday tuulada qarxis oo ardaydooda loo rarayo xarumaha imtixaan ee ugu dhaw sidoo kalena la baabi iyay Natiiada Imtixaankii fasalka 8 aad ee ardaydu gashay.

Xildhibaan Saciid Surcad ayaa ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee halkaas gaaray, waxaana la filayaa in wasaarada waxbarashada ay soo gaarsiiyaan cabashada bulshada qarxis.

Tuulada Qarxis ayaa Sanadkaan waxaa ka dhacay boob loo gaystay imtixaanka Fasalka sideedaad waxaana boobkaas uu sababay in dib loo badalo gabi ahaanba imtixaankii Fasalka sideedaad taas oo khasaari ballaaran uu ka soo gaaray wasaarda waxbarashada iyo laamaha imtixaanaadka.

Wednesday, August 10, 2016

DAAWO SAWIRADA : KOOXAHA CALUULA IYO GEESALAY OO U SOO BAXAY FINAL-KA TARTANKII CIYAARAHA GOBOLKA GARDAFUU

Tartankii ciyaaraha kubada cagta ee Kooxaha Magaalooyinka iyo degmooyinka gobolka Gardafuu ayaa si habsami leh uga socda garoonka kubada cagta ee magaalada Madaxda Gobolka Gardafuu ee Caluula tartankaas oo u dhaxeeyay Kooxo gaaraya ilaa 8 kooxood oo ka kala yimid magaalooyinka iyo Degmooyinka Gobolka Gardafuu

tartaankaas oo Socday Muddo Bil ah ayaa waxaa isugu soo baxay ciyaartii kama danbaynta ahayd ama finalka kooxda Caluula oo ciyaar xiiso badan ku soo reebtay kooxdii ugu kululayd koobka sanadka ee Xaabo iyo kooxda Geesalay oo ayaguna dhinacooda soo gudbay ciyaartooyda kooxda Degmada Bareeda matalaayay

Sanadkan waxaa ka qayb galay 8 kooxood oo loo qaybiyay laba grouop oo kala matalaayay magaalooyinka Xaabo, Geesalay ,Baargaal ,Kaware ,Caluula ,Bareeda ,Ceelquud , iyo Murcanyo


tartanka ciyaraha heerka koowaad ee gobolka Gardafuu ayaa sanadka lahaa xiiso gaar ah , waxaana u soo daawasho tegay dadweyne aad u fara badan oo u badan dhalinyaro ka kala yimid degmooyinka iyo magaalooyinka Gobolka Gardafuu.

GARDAFUU.COM 

Daawo Sawirada 




 








Friday, July 29, 2016

Sawiro :Wasiirada Haweenka Puntland oo Baargaal soo gaartay



wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Anisa C/qaadir xaaji muumin iyo wafdi ay hogaaminayso oo ay kamid ahaayeen wasiirkii hore ee fedraalka iyo arimaha gudaha dawlada Soomaaliya C/raxmaan maxamed Bangax iyo aqoonyahan macalin jaamac ayaa galabta casar gaabadkii soo gaaray Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga wasiir anisa oo booqoshadii labaad ku maraysa Deegaanada Gobolka Gardafuu ayaa waxaa halkaaas si wayn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf, masuuliyiin ka socotay gobolka Gardafuu , haween isugu jira hooyooyin iyo dhalinyaro iyo caruur badan oo uga hortagay wasiirada iyo wafdigeeda meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaya Caleemo qoyan

wafdiga ay hogaaminayso wasiir Anisa oo ka soo kicitimay Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa soo dhawayn iyo marxabayn la qaatay haweenkii iyo caruurtii halkaasi ku soo dhaweeyay iyadoo wasiiradu mid mid u gacan qaaday dhamaan dadkii safka u galay soo dhawaynta wafdiga wasiirada.

wasiir anisa iyo wafdigeeda ayaa intay magaalada Baargaal soo gaarin waxay soo mareen magaalada Taageer halkaasi oo ay wafdigu shirar iyo iswaraysi kula yeesheen hooyooyionka iyo ururdada deegaanka oo ay wasaarada haweenku u kuurgalaysay.

intaasi kadib waxay wasiir anisa iyo wafdigeedu shir ku qabteen magaalada waadi khayr halkaasi oo ay wasiiradu ugu khadbaysay bulshadii halkaasi ku soo dhawaysay ayadoo kala hadashay ujeedooyinka safarkooda

wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska puntland iyo wafdigeeda oo kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada baargaal ayaa intaas kadib u gudbi doona magaalada Madaxda Gobolka Gardafuu ee Caluula halkaas oo ay wasiiradu uga qaybgli doonto manaasabad ballaaran oo lagu oo lagu xusaayo sanad Guurada 18-aad ee ka soo wareegatay markii dadka Puntland ay isku tashteen una istaageen sidii maamul u dhisan lahaayeen miraheediina ay guranayaan Maanta.

Monday, July 25, 2016

DAAWO : Degmada Bareeda ee Gobolka #Gardafuu Oo Mashaariic Horumarineed Laga Hirgeliyey

waxaa maanta Magaalada Bareeda ee gobolka Gardafuu lagu qabtay xaflad balaaran oo si rasmi ah xariga looga jaraayay warshada bareeda group of companies oo adeegyo badan oo horumarineed deegaanka ku soo kordhisay sida biyaha sifaysan , kaydinta iyo qaboojinta kaluunka iyo barafka iyo adeega korontada.

Munaasibada Furitaanka Warshada Bareeda group of industries ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday wasaarada kaluumaysiga iyo wasaarada ganacsiga iyo warshadaha puntland , gudoomiyaha Degmada Bareeda iyo Nabadoono , Cuqaal , Ganacsato , aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lagu casumay munaasibada furintaanka

Gudoomiyaha Degmada Bareeda oo si rasmi ah xariga uga jaray warshada Bareeda oo ugu horayn ka hadlay xaflada ayaa aad u soo dhaweeyay warshadan ka kooban warshado badan asagoo aad u amaanay ganacsade Cabdicasiis Xaaji Cali horumarkan uu isku taxalujiyay inuu deegaanka ka hirgaliyo.

ganacsade Cabdicasiis Xaaji Cali oo ah mulkiilaha iyo maamulaha warshadaha Bareeda group of industries oo ka hadlay madasha ayaa ka waramay baahiyaha ku kalifay in deegaanka aadka u fog uu ka hirgaliyo warshadahan kala duwan asagoo ugu baaqay ganacsatada kale ee deegaanka inay yimaadaan oo deegaanka ganacsiyo ka hirgaliyaan fursadahana ka jirana ka faaiidaystaan asagoo sheegay inay waxbadan oo dhiman damacsanyihiin inay hirgaliyaan

masuuliyiinta wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyo kalluumaysiga oo ka soo qaybgalay xaflada ayaa ayaguna dhinacooda soo dhaweeyay furitaanka warshadahan ayagoo sheegay inay ganacsadaha warshadahan deegaanka keenay inay ka dawlada ahaan ay taageeri doonaan oo wixii dhinacooda ah ay u fududayn doonaan lana shaqayn doonaan

Cuqaal iyo salaadiin iyo nabadoono ka hadlay madasha ayaa dhamaan isku raacay ahamiyada ay warshadahani u leeyihiin dadka iyo duunyada ku dhaqan degmada bareeda iyo guud ahaan deegaanada gobolka gardafuu ayagoo aad ugu bogaadiyay ganacsade Cabdicasiis Xaaji Cali talaabadan uu qaaday ayagoo ku booriyay ganacsatada kale inay ku daydaan oo tusaale ka dhigtaan

ugu danbayntii masuuliyiintii ka soo qaybgashay xaflada ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay ilaashadaan horumarkan iyo warshadahan loo keenay oo sida ugu fiican uga faaiidaystaan

warshadahan bareeda group of companies ayaa ka kooban warshado badan oo bixina adeegyo badan oo muhiim u ah dhanka nolosha oo ay ka mid tahay korontada, Barafka kaydinta kaluunka , qaboojinta iyo biyaha sifaysan , taasi oo wax badan ka badali doonta nolosha bulshada deegaankaasi ku dhaqan.

Halkan Ka daawo

  

Thursday, June 23, 2016

Guddiga waasaarda Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland ee Degmada Baargaal oo kormeeray meelhii ay ku dhufatay Duufaantii Dabaysha wadatay

Hawl wadeenada wasaarada Deegaanka Iyo Duurjoogta Puntland ee Degmada Baargaal ayaa safar u kuur galid iyo xaqiiqo raadin ah waxay ku tageen meelhii ay ku dhufatay Duufaantii Dabaysha wadatay ee ku dhufatay qaybo ka mid ah degaanada hoostaga Degmada Baargaal.

Guddoomiyaha gudiga Axmed Salaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tageen degaano badan ayna arkeen waxyeelo wayn oo gaartay iyadoo ay soo bandhigeen sawiro dhir waawayn oo dabaylaha fujiyeen iyadoo ay jiraan meelo aan gaadiidka geli karin oo sidaas oo kale waxyeeladu saamaysay.

guddiga ayaa wasaarada degaanka iyo dawladaba ka codsaday in ay la arkaan dhibaatada gaartay degaanka.

roobabka dabaylaha watay ayaa waxyeelo gaarsiiyay meelo badan oo ay ka mid tahay magaalada Baargaal iyadoo guryo badani dumeeen qaarna saqafka ama jiingada dabaylaha ka tuureen iyadoo ilaa hada aanay jirin cid ka socota laamaha dawlada iyo hayadaha ku shaqada leh oo wax jawaab ah ka bixisay